You are here

Back to top

Dabkuu Shiday Darwiishkii - Riwaayad (Paperback)

Dabkuu Shiday Darwiishkii - Riwaayad Cover Image
Email or call for price

Description


Riwaayaddan waxay iila eg tahay inaan durbaba carrabka ku dhufto inay tahay riwaayad jaadke da ah tii ugu horreeysey inta aannu og nahay. Waa riwaayad si gaar ah u muujinaysa halgankii Daraawiishta iyo himilooyinkii hoggaamiyahooda; Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Ma aha mid aad qosol iyo maad ka filan karto, sida dad badan maskaxdooda ku soo dhacda kolkii ay magac riwaayadeed maqlaan. Waa mid tilmaamaysa noloshii adkayd ee ay ku noolaan jireen urur Soomaaliyeed oo mabda' cad lahaa, goor iyo ayaanna u taagnaa meelmarinta mabda'oodaas ay maanka ku hayeen.


Danta aannu riwaayaddaan ka lee nahay, iyada oo aan mid iyo laba lagu soo koobi karin, waxaa noogu weyn: Waa mare, inaannu qoreyaasha riwaayadaheenna tusno jid cusub oo ku saabsan soo-bandhigidda riwaayadaha taariikhda loogaga sheekeeyo. Waxaannu rabnaa inaannu fannaaniinteenna dareens inno inay jiraan siyaalo ka duwan habkii hore ee riwaayadaha aan ku soo wadney tan iyo waagii aynu bilawnay; sanooyinkii konto nadii horraankoodii.


Product Details
ISBN: 9781912411269
ISBN-10: 1912411261
Publisher: Looh Press Ltd
Publication Date: August 14th, 2021
Pages: 178
Language: Somali